SAWIRRO: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay mashruuc laga fulinayo Degmada Kaxda

Muqdisho (Halqaran.com) – Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Arbacadii maanta dhagax dhigay mashruuc laga samaynayo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Mashruucan ayaa waxaa lagu dhisaya xarun caafimaad oo bulshada si lacag la’aan ah loogu adeegi doono, sidoo kale waxaa mashruucan qayb ka ah mid lagu hirgelinayo iskuul, ay si bilaash ah wax ugu baran doonaan ardayda iyo Masjid ay dadka deegaanka ku cibaadeystaan.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay mashruucan ayaa sheegay inuu faa’iido weyn u leedahay bulshada ku dhaqan Degmada Kaxda.

Wuuxuu Cumar Filish ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu dardar-gelin doono mashaariicda kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda, Maxamed Yuusuf Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay nooca uu yahay mashruucan laga fulinayo degmadiisa.

Sidoo kale gudoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aaadan Sheekh Cali Fiidow, ayaa isna sheegay inay muhiimad gaar ah siin doonaan hirgelinta adeegyada asaasiga ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here