Xildhibaan Fiqi oo sheegay in Galmudug ay ku socoto waddo laba maamul ku dhismayaan!

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay marka la fiiriyo xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug inay u muuqato mid ku socota inay ka dhismaan laba Maamul.

Fiqi ayaa sheegay, haddii Madaxweyne Xaaf uusan sameynin tanaasulaad ku aadan dhismaha Galmudug, xaaladda inay sii cuslaaneyso.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa tilmaamay in aanan loo baahnayn xilligaan khilaaf hor leh oo saameeya deeganada Galmudug, maadaama horay loo soo arkay Khilaaf faa‘iidana uusan laheyn.

“Runtii Galmudug waxaa ay ku socotaa waddo ay laba maamul oo isdiidan ku dhismi karaan,hadii uusan tanaasulin xaaf,waxaana dalbdanayaa in Shacabka loo turo oo hal mamaul loo dhiso” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa wuxuu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo dhismaha Galmudug cusub ka qorsheynaayo.

Dhinaca kale, Magaalada Dhuusamareeb, waxaa ka socota qaban qaabada doorasho ay qabanayaan guddi farsamo, doorashadaasi oo Musharaxiin kala duwan u taagan yihiin inay ku loolamaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here