Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo galabta la kulmay Musharaxiin cabaneysa +(Magacyadooda)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii maanta magaalada Dhuusamareeb kula kulmay qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Cabdullaahi Xersi Maxamed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Faadumo Cabdi Cali ayaa musharaxiinta ku qaabilay hoyga ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.

Afarta musharax ee kulankan ka soo muuqday ayaa waxaa ka mida Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Wehliye Faarax iyo Kamaal Daahir Guutaale.

Musharaxiintan ayaa marka hore guddoonka Baarlamaanka Galmudug ugu hambalyeeyay guushii ay Jimcihii ka gaareen doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay qaban-qaabada iyo u diyaargarowga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, oo dhawaan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa yimid, ka dib markii ay saddex ka mida musharaxiintan ay codsadeen in dib doorashada loo dhigo muddo kow iyo labaatan cisho ah, iyagoona sababta ku sheegay inay fursad u waayeen la kulanka Xildhibaanada wax dooraneysa.

Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa ahayd wadadii loo mari lahaa tartanka loo gelayo qorshaha lagu soo kala dooranayo Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisaba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *