Dadkii ku dhaawacmay ismiidaamintii Baar Ismaaciil oo loo qaadayo dalka Turkiga

 

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay inay dalkeeda caafimaad ahaan ugu qaadi doonto qaar ka mid ah ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee Sabtidii ka dhacay agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye.

Inta la ogyahay waxaa weerarkan ku dhintay saddex ka mida ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya, halka ay ku dhaawacantay labaatan qof oo isugu jira Injineerada Turkiga ee dhiseysa wadada Muqdisho iyo Afgooye, ilaaladii la socotay iyo dad rayid ah.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, ayaa sheegay inay diyaarad Ambulance ah u dirayan Magaalada Muqdisho, si ay kaga soo qaado dhaawacyada sagaal qof, oo isugu jira lixdii Injineer ee qaraxaasi ku dhaawacantay iyo saddex ka mid askartii la socotay.

Dadkan oo loo arkay inay dhaawacyadoodu culus yihiin ayaa la door biday in daryeel caafimaad loogu qaado Magaalada Ankara ee Xarunta Turkiga.

Wasiirka Caafimaadka ayaa qoraal uu Isniintii soo saaray ku sheegay inay ebid garab taagnaan doonaan Soomaaliya, si kasta oo shaqaalahooda loogu dhibaateeyo.

Saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay ayaa Injineerada Turkiga lala beegsaday laba weerar oo ismiidaamin ahaa, iyadoo lagu dilay laba ka mida Injineerada Turkiga, halka lix kalena lagu dhaawacay. Waxaana masuuliyadda weeraradaasi sheegatay AlShabaab.

Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay dalka Turkiga u arkaan saaxiibka ugu weyn ay maanta Soomaali leedahay, halka Shabaabka u arkaan cadowga muuqdo ee xilligan uu dalkeenu leeyahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here