DEG DEG: Guddoomiyihii degmada Qandala ee gobolka Bari oo goor-dhow lagu Dilay bartamaha Boosaaso

 

Magaalada Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Warar goor-dhow na soo gaaray ayaa sheegaya, in guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Quurshe lagu dilay magaalada Boosaaso.

Marxuumka ayaa rag bistoolado ku hubeysan waxay ku toogteen martamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan afaafka hore kaalinta shidaalka ee lagu magacaabo Alladii.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in raggaasi ay dhawr xabadood kaga dhufteen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala qaybaha kore ee jirkiisa, taasoo sababtay inuu u geeriyoodo.

Waxay wararku ay intaasi ku darayaan, in ragga wax dilay ay ninkaasi ka soo raaceen hotelkii uu ka deganaa Magaalada Boosaaso.

Suxufiyiinta magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in dilka ka dib ay raggaasi isaga baxsadeen goobtii uu falku ka dhacay, oo daqiiqado kadib ay ku baxeen Ciidamada Booliska Boosaaso.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari ayaan ka hadlin dilka ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka marxuumkaasi.

Gudoomiye Quurshe ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa gulufkii militari ee Daaacishta Soomaaliya dib looga saaray Degmada Qandala, ka dib markii ay si kedis ahayd kula wareegtay.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish oo ku kala sugan labada daraf ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa inta badan lala xiriiriya dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here