J/Dhexe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya xalay duqeyn in lala beegdsaday xubno ka tirsanaay Al-Shabaab.
Deegaannada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas Shabaab Khasaare uu ka soo gaaray, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn inta uu la eeg yahay Khasaaraha soo gaaray Al-Shabaab.
Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo wariyay in duqeyn lala beegsaday xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xero halkaasi ku taalla.
Ma jirto cid si toos ah faah faahin uga bixisay Khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab ka soo gaaray duqeymahaasi lagula beegsaday deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
Duqeymaha lagu garaacayo deeganada Al-Shabaab ay maamulaan ayaa sii kordhaya, iyadoo awooda Kooxda waxba aaney iska bedelin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com