
Nairobi (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.
Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay inay u badan yihiin macallimiin iyo arday Soomaali ah, kuwaasoo ciidamada boolisku aysan wali caddeynin dambiga loo soo qabtay.
Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan magaalada Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay argagixisanimada.
Guddiga amniga xaafadda Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beesaday sababo la xiriira inay si sharci darro ah ku joogeen.
Dowladda Kenya ayaa aad u adkeysay ammaanka dalkeeda, waxaana hawlgalo joogto ah laga sameeyaa gudaha dalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com