DF Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Fannaan Daa’uud Cali Masxaf

Jigjiga (Halqaran.com) – Waxaa Jimcihii maanta magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobiya ku geeriyooday Allaha u naxriistee fanaankii Soomaaliyeed Daa’uud Cali Masxaf oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xannuunsanayay dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray dhammaan umada Soomaaliyeed oo uu ka baxay Fanaanku, waxaana uu sheegay in uu waqti badan ku bixiyay horumarinta Fanka.

“‎Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda fanka iyo ehelkii uu ka baxay Daa’uud Cali Masxaf. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo ehelkiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri RW Kheyre.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed ka tacsiyadeyeey geerida Fannaanka Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa Eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsanaa aiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here