Guddoomiyaha Aqalka sare oo Kulan muhiim ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulankan ay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso, Ansixinta  Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin  si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.

Dhinaca kale, Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka, goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay  Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadashay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,

Guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka Sen, Maxamed amiin Sheekh Cusmaan oo u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here