NISA oo Xabsiga dhigtay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir & Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenkiisa.

Guddoomiyaha la xiray oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa lala xiray Kuxigeenkiisa, sida ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen.

Xarigga ayaa yimid ka dib markii uu soo baxay warar sheegaya in magacaabista guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir ay Shabaab ku lug leeyihiin.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa inoo sheegay baaris muddo socotay in la soo geba-gabeeyay oo isla shalay galab xabsiga la dhigay xubnahan.

Inkastoo NISA aysan si toos ah uga hadlin xarigga loo gaystay xubnahan Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ka tirsan, ayaa haddana wararka waxa ay sheegayaan in Shabaab door wayn ku lahaayeen magacaabistooda.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa dhawaan sheegtay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed, Maxamuud Cabdikariin Gabeyre in lagu khasbay magacaabista shaqsiyaadkan, ka dib markii Shabaab ay dil ugu hanjabeen.

Muddooyinkii dambe Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen guulo waaweyn oo ku aadan in xubno ka tirsan Al-Shabaab la soo qab-qabto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here