Aabe Wiilkiisa ku Dilay magaalada Jowhar oo gacanta lagu soo dhigay

Magaalada Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle ayaa sheegaya, in ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in Ciidanka booliska ay gacanta ku soo dhigeen Aabaha wiilkiisa dilay oo laga qabtay Tuulo hoos timaada Jowhar.

Falka dilka ayaa wuxuu dhacay Jimcihii shalay, waxaana goobtaasi ka baxsaday aabaha falka dilka gaystay, isaga oo u cararay tuulo hoostagta Magaalada Jowhar.

Cismaan Ibraahim waxaa uu shalay galab wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku dilay Wiilkiisa, isaga oo falka dilka u adeegsaday toorey, illaa haddana lama oga sababta keentay arrintaasi.

Falkan naxdinta leh oo ka dhacay laanta Faanoole ee xaafada Horseed degmada Jowhar ayaa waxaa isla goobta ku geeriyooday Ibraahim Cismaan oo ahaa 14 sano jir.

Ugu dambeyn, dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa hadal haayo arrintaan naxdinta leh ee uu sameeyay aabahaasi, inkastoo Booliska ay gacanta ku soo dhigeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here