DF Soomaaliya oo maanta kala dirtay maamulkii Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir, kaddib markii..

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii maanta shaacisay inay kala dirtay Maamulkii Rugta Ganacsiga ee Gobolk Banaadir, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay xabsiga la dhigay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga iyo Ku xigeenkiisa oo Nabad Suggida Soomaaliya ay ku eedeysay in Al-Shabaab door ku lahaayeen magacaabista xubnahan.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu kala diray masuuliyiintii Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

Kala daristaan ayaa loo cuskaday inuu muran badan ka dhashay magacaabistii Masuuliyiinta Gobolka Banaadir ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, sidaasi awgeedna iyadoo la tixgelinaayo cabashada ganacsatada la kala diray.

Halka hoose ka akhriso Warqadda kala dirista:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here