Puntland oo Amar dul dhigtay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (Maxaa cusub?)

Axmed Cilmi Cismaan ((Karaash)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan ((Karaash), ayaa amar ku bixiyay, in la hakiyo munaasabadda xil wareejinta Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan Puntland.

Dikreeto ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland, ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil wareejinta xafiiska hay’addaasi u qaabilsan Puntland.

Waxaana dikreetadan laga tixraacay, qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska  hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u qaabilsan degaannada Puntland.

Agaasimaha cusub ee xafiiska xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka u qaabilsan degaannada Puntland, ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil, halka agaasimihii hore ee xafiiskaasina loo wareejiyay xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, munaasabadda xil wareejinta, ayaa sida qorshaysan maalmaha soo socda lagu qaban lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Halka hoose ka akhriso warqadda caddeyneysa hakinta xil wareejinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here