Wasiirkii Amniga ee Jubbaland ‘Janan’ oo Xabsigii uu ku xirnaa ka baxsaday, Sidee buu ku baxsaday?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa subixii Tallaadada maanta ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa wasiirkii Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan, kaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Amed ayaa xaqiijisey baxsashada Taliyaha, iyada oo sheegtay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa Subixii Tallaada maanta ka baxsaday halkii u ku xirnaa, hay’adaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto dembiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan haddii ay arkaan.” Ayay tiri’Taliye Zakiya.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ma aysan sheegin rasmi ahaan meesha uu ku xirnaa ee uu ka baxsaday Wasiir Janan.

Tani ayaa waxay daba socotaa maxaabiis badan oo horey loo soo tebiyay inay ka baxsadeen xabsiyo ay maamusho Dowladda Dowladda.

Wasiir Janan ayaa la xusuustaa in 31-kii August laga qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli uu la socday diyaarad ka timid Magaalada Kismaayo, uuna ku sii jeeday Magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here