Sahan ka bilaawday Muqdisho oo lagu dhisayo Garoon Diyaaraded oo cusub ( Maxaa ka Ogtahay) Halka laga dhisayo +SAWIRO

Muqdisho (Halqaran.com)- Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka bilaawdey sahankii ugu horeeyey kaas oo ku saabsan in Garoon Diyaaradeed oo cabirkiisu yahay 14KM laga hirgeliyo meel kamid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Xildhibaano, Agaasimayaal iyo Ganacsato ayaa waxaa ay kormeer ku tageen halka laga hirgelin doono Garoonka oo ah duleedka Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho.

Goobta la sahmiyay ayaa Muqdisho u jirta ku dhowaad 35KM, waxaana dhul ahaan ay ka tirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u dhaxeysa Dekedii Ceel Macaan iyo degmada Warsheekh.

Mas’uuliyiintii booqday dhulkan loo qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed ayaa isla qaatay inay tahay meel istiraatiijiyad ah oo ku habboon dhismo garoon diyaaradeed, marka loo eego baaxada dhulka uu ku fadhiyo, dhanka xeebta uu saaran yahay.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla garoonka Diyaaradaha Aadan-Cdde,kaas oo kamid ah meelaha ugu wyen ee dowladda Soomaaliya ay ka hesho Canshuur farabadan,waxaana gacanta ku haaya Shirkadda Favori e laga leeyahay wadanka Turkiga

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa horay u balan-qaaday mashaariic ku baxaya ballaayiin doolar inay ka hirgelin doonto Soomaaliya, kaasoo uu ku jiro garoon diyaaradeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here