Doorashada Galmudug oo lagu wado in Axadda Berri ay ka dhacdo Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa shaaciyay in Axadda Berri ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Mar uu ka hadlaayay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa Guddoomiye Gacal wuxuu u sheegay Xildhibaanada inay berri dhaceyso doorashada, islamarkaana ay soo xaadiraan.

Guddoomiye Gacal ayaa sidoo kale Xildhibaanada Galmudug faray inay dhammaantood looga baahan yahay inay soo xaadiran hoolka ay ka dhaceyso Doorashada, isla markaana ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada.

Wafdi ka socad Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo la tilmaamay inay goobjoog ka noqonayaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Inkastoo doorashada Galmudug ay ka taagan yihiin arrimo ku saabsan qalalaase ayaa haddana doorashada Berri dhaceyso waxa ay noqonaysaa tii Saddexaad ee deeganada Galmudug ka dhacda.

Horay ayaa Ahlu Sunna waxa ay sheegteen in Madaxweyne ay ku doorteen Dhuusamareeb, kaasi oo ay u doorteen Sheekh Shaakir, halka sidoo kale doorasho ay ka dhacday Gaalkacyo, iyadoo midda berri dhaceyso ay noqonayso tii Saddexaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here