J/Hoose (Halqaran.com) – Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen baabuur ahaa nooca loo yaqaan caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, maanta.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos, islamarkaana qaraxan uu qabsaday
Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey Isbitaalka Dhoobley, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo deegaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Ururka Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino waxa ay ku aasaan waddooyinka ay maraan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com