
Afmadow (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay sheegeen inuu isku soo dhiibay Nabadoon ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Nabadoonka ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed, waxaana saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ka howlgalla degmada Afmadow ay sheegeen in Nabadoonka uu Ugaas u ahaa mid kamid ah Beelaha dega Jubbaland, hayeeshee uu ku biirey Al-Shabaab.
Nabadoonkan ayaa la sheegay inuu la soo xiriiray laamaha ammaanka Maamulkaasi, islamarkaana uu u sheegay inuu rabo isa soo dhiibis.
Waxa uu tilmaamay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Afmadow, islamarkaana sababta ku kaliftay inuu isa soo dhiibo ay tahay dhibaato Al-Shabaab uu la kulmay.
Maamulada qaar ee dalka ka jira ayaa horay u soo bandhigi jiray Askar iyo Saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo isa soo dhiibta, balse Nabadoonkan Ururka Al-Shabaab ka soo goostay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com