Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay carruur ay askareeyeen Al-Shabaab

Bakool (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ee Gobolka Bakool, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen carruur la sheegay inay Askareeyeen Al-Shabaab.

Carruurtaan ayaa la soo qabtay iyaga oo lagu wado Mootooyin loona waday xeradii lagu askareyn lahaa oo ku taallo duleedka degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeegsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur ayaa sheegay in xilliga la qabanayey ay la socdeen mootooyin nooca seddex lugooleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow, isaga oo carabka ku dhuftay in sidoo kale lala qabtay laba darwal oo kaxeynayey mootooyinkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here