Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo sharraxaad ka bixiyay qaabkii uu uga baxsaday Xabsigii lagu xiray

BeledXaawo (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyay qaabkii uu uga baxsaday xabsigii ay ku xirtay dowladda Federalka Somaliya.

Mr. Janan, ayaa sheegay in lagu haayo xabsi guri ah, balse aanan la gaynin xabsiga wayn ee Maxaabiista lagu xiro, waxaana isaga oo la hadlaayay laanta Af Soomaaliga ee BBC uu faah faahin ka bixiyay qaabkii uu ku soo baxsaday.

“Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yiri.

“Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.

“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.

Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faah faahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.

“Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yiri.

“Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayo”

Ugu dambeyn, cabdirashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay markii uu xabsiga ka baxsaday inuu saddex Habeen & Saddex maalin ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ugu dambeyna doon uu ka soo raacay oo sidaasi Kismaayo uu ku tagay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *