Sheekh Shariif Sh. Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar shaqo uu.. +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiiisa ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda Xisbiyada ku mideysan Madasha, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka, Odayaal dhaqameed, Haween iyo dhallinyarada,

Madaxweynihii hore see Soomaaliya mudane Sheekh Shariif ayaa ka mahad celiyey soo dhaweyntii loo sameeyay asagoona ka warbixiyay safarkiisa.

Shariif Sheekh Axmed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wuxuu ku maqnaay dalka dibadiisa, isaga oo khudbado kala duwan uu jeediyay ku dhaliilay dowladda Federalka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here