Wararka Maanta

Dil Toogasho Ah Oo Maanta Lagu Fuliyay Raggii Kufsi iyo Dil u geystay Caasho Ilyaas

Boosaaso (Halqaran.com)- Maamulka Puntland ayaa saakay fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso waxaa uu xukun dil toogasho ah ugu fuliyeen laba kamid ah Saddex rag ah oo loo xukumay kufsigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisha Ilyaas oo aheyd Gabar 13 jir ah.

Saddexda Ragga ah ee falkaasi loo heystay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige,hayeeshee dil toogasho lagu fuliyey Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige,halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey in la toogto C/salaan C/raxmaan Warsame.

Raggan ayaa 12-May sanadkii 2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoo xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi foosha xun.

Ilyaas Aadan oo ah Aabaha Gabadha kiiska uu ku dhacay oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso waxa uu sheegay in dib u dhigista Xukunka Cabdisalaan uu ka yimid dhankooda iyo qoyska Wiilka, maadaama Walaalkii oo ay isku dambi ku eedeysan yihiin Maanta la toogtay.

Waxa uu meesha ka saaray Wararka sheegayay in labada Ehel ay ku heshiiyeen in Mag la siiyo qoyska Caasho Ilyaas, isla markaana Xukunka dilka ah laga dhaafo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

Post Comment