Taliye Xijaar oo Sheegay in Amniga Wadanka uu Gacanta Ka Siibaxayo

Muqdisho (Halqaran.com)- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo uu gaarey meel xun,isla markaana ay jiraan dad diidan dalka amnigiisa iyo hormarkiisa.

Taliye oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in la diidan yahay in la ilaaliyo amniga Caasimadda oo xitaa la qarxiyay Kaamirooyinkii ku xirnaa Wadooyinka, kuwaasi oo loo adeegsanayay dhanka amniga Caasimadda.

“Dalkeena amnigiisa waa lagu soo duulay , xuduuda halaga soo galo ama dayuurad ha lagu yimaado, dalkeena amnigiisa meel xun buu marayaa, waxaa la diidan yahay dadka amnigiisa in la ilaaliyo Kaamirooyinkii wadooyinka lagu xiray in la qarxiyo baa la gaaray, wadaa la dhisayaa Injineeradii dhisayay baa la dilayaa oo la qarxinayaa, waxaa la diidan yahay umadda Soomaaliyeed in ay xasisho oo luga heeda ku istaagto” ayuu yiri Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Gudaha Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxayo, waxaana Qaraxyadaas qaarkood lagu dilay Injineero iyo Shaqaalo Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Halka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa imaanayo iyada oo dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019,Hay’da Nabad sugida Soomaaliya ay sheegtay in ay Madaxda Dowladda u gudbisay Warbixin la xariirta in qaraxii 28 december 2019,ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ay ku lug lahaayeen Dowlada Shisheeye,hayee ay Al shabaab sheegteen Masuuliyada Qaraxaasi.

Hadalkan ayuu taliyaha booliska Soomaaliyeed ka sheegay shir looga hadlayey arimaha socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *