Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa sheegtay inuu is-casilay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, kadib Khilaaf ka dhex taagan madaxda sare ee Al-Shabaab.
Qoraal la soo dhigay Barta Twiterka Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa lagu sheegay Muuse Macalin oo loo yaqaan Mucaawiye inuu iska casilay xilkii Al-Shabaab uu ka haayay.
Nabad Suggida waxa ay sheegtay Muuse Macalin inuu ahaa shaqsi raacsan garabka Mahad Karataay oo madaxda sare ee Al-Shabaab ka tirsan.
Ma jirto ilo wareedyo madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya warka ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ee ay ku sheegayso inuu iscasilay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com