UPDATE: Dhuusamareeb oo qarka u saaran dagaal ka qarxa & Shir deg-deg ah oo hadda ka socda Xarunta Inji (Maxaa cusub?)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in laga cabsi qabo dagaal ka qarxa magaalada, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee taageeraya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Walaacan ayaa soo baxay, ka dib kulan albaabada u xirnaa oo Madaxweynuhu uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Halqaran.com u sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka faray inay u diyaargarooban dagaal ka dhan ah Ahlu Sunada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tani ku sababeeyay, iyadoo ay Ahlu Sunna diiday la kulankiisa, si ay uga wada hadlaan khilaafka labada dhinac, haddiiba xal laga gaari lahaa labada maamul ee magaalada ka jira.

Qoorqoor waxaa kale oo Saraakiishu uu u sheegay inaanay suurtagal ahayn in laba maamul uu ka jiro Xarunta Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, dagaalkuna uu yahay mid uu ka fursan waayay.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa qoraal maldahnaa oo bartiisa Facebook uu soo sheegay waxaa uu ku sheegay inuu Ciidamada Militariga faray inay dardargeliyan hawlaha ay u hayaan Galmudug.

“Waxaan ciidamada kula dardaarmay inay dardargeliyan hawlaha ay u hayaan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka.” Ayuu yiri Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Dhanka kale, Hoggaanka Ahlu Sunna ayuu xilligan shir deg deh ah uga socdaa Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, taasoo looga arrinsanayo amarka uu Qoorqoor duldhigay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay kulanka ku dejiyeen qidad ciidan, oo ay tahay inay kaga hortaggaan Ciidamada Dowladda, waaba haddii ay fulinayan amarka Qoorqoor.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka reer Dhuusamareeb iyo dadka xog ogaalka u ah arrimahan ayaa durbaba waxay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen dadaalo, uu yoolkoodu yahay in lagu baajiyo dagaal uu dhiig ku daato.

Odayaasha Dhaqanka ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb, taasi bedelkeedana ay dadka deegaanka muhiim u tahay inay labada dhinac xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa maalmo ka hor sheegay inaanay gacmaha ka laaban doonin habdhaqanka Ciidamada Dowladda, ka dib markii dad ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ay is hortaag ku sameeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here