Wararkii ugu dambeeyay howlgal ay ciidamada Danabd ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Xoogaga Guutada 16aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay hawlgal ballaaran ka fuliyeen Deegaanka Leego, ee duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xoogaga Danab ayaa waxay beegsadeen oo ay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ku lahaayen Deegaanka Leego, iyadoona ay hawlgalka ku burburiyeen.

Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyo Shabaabku ku lahaayen Deegaanka Leego.

Taliyaha oo la hadlay Radiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa cadeeyay in sidoo kale ay hawlgalkaasi ku dileen saddex iyo toban ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.

Ma sheegin taliyaha khasaaraha dhankooda ka soo gaaray hawlgalkaasi, balse taasi bedelkeeda waxaa uu ku goodiyay inay dardar-gelin doonaan gulufka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada 16aad ee Danab, kana tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in ay ciidanku xilligan hawlgalo xididada loogu siibayo dagaal-yahanada mayalka adag ee Al Shabaab ka wadaan Gobolada Dalka, sida uu yiri.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa gacan weyn ka gaystay gulufkii militari, ee 7-dii bishii August ee sanadkii 2019 Ururka Al Shabaab looga saaray Degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here