DAAWO VIDEO: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe: ”Waynu iibsannahay, Somaliland-na Waa la Xaraashay”!

Hargeysa (Halqaran.com) – Magaalada Hargeysa waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Labada guddoomiye Xisbiyadda Ucid iyo Wadani   Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Kulanka kaddibna waxay si wada jir ah u qabteen Shir jaraa’id oo ay weerar Afka ah ku qaadeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

“Muuse bixii wuxuu noqday Kaligii taliye, wuxuu cagta saaray Jidkii ay horay u eedeen qarkii iyo Janaraaladii dhagarta caanka ku ahaa, wuxuu Burburiyey Diimuqaraadiyadii la koronayey, wuxuuna sidoo kale Somaliland geliyey Jaahwareer, isagoo xintan iyo xifaaltan ka dhigtay Xilkii loo doortay”.

“Labada Xisbi ee Ucid iyo Wadani waxay Xalka Somaliland u Arkaan in Doorasho Madaxwayne oo Xiligeeda laga soo Hormariyey ay ka Qabsoonto Sanadkan 2020-ka, Islamarkaana la qabto golaha Wakiilada isla Sanadkan.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Wadani.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in laga been sheegay siday u dhaceen Kulamadii Biixi iyo Farmaajo, Wafdigii Itoobiya iyo Arimo kale oo la xidhiidha Arintaasi.

Geesta kale, guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Somaliland Indhaha ka riday, Islamarkaana Ridi doonaan sidii Madaxwaynihii Dawladii Kacaanka.

“Marnaba Suura gal ma Noqonayso inuu Muuse yidhaahdo, Waxan Baabinayaa Xisbiyada Ucid Iyo Wadani, Isaguna Madaxweyne Noqon Maayo Muuse ayuu Noqonayaa, Waxaan leenahay Madaxwayne Nooma tihid,   Canshuur uu Qaadaysaa ma Jirto, wuxuu Moodayaa inuu AABIHII Bixiyo Canshuurta, Adiga ayaanu kaa Jaraynaa Lacagta aad Qaadatid ee Khaayinka aad ku tahay, Maanta Muuse Reer uu Dabada gelinayaa ma Jirto cid kasta way Aragtay,   Bal Cirka hasoo Dumiyo, Adigoo Qaawan ayaad baxaysaa, Afwayne ayaanu Ridnay” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Halka hoose ka daawo Shirka jaraa’id uu Muuqaal ah:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *