UPDATE: DF Soomaaliya oo si deg-deg ah ugu yeertay Safiirka Somaliya ee dalka Suudaan +(SABAB)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay dalka ugu soo laabtaan Safiirka u jooga dalka Suudaan Maxamed Islaaq Ibraahim iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo la-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Cusmaan Maxamed Axmed, iyagoona lagu amray inay dalka ugu soo laaban muddo 4 maalmood oo ka bilaabaneysa 21-ka bishaan February 2020.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqada Safiirka Soomaaliya ee Suudaan uu si KMG ah u sii wadi doono Axmed Ismaaciil Xuseen oo ah la-taliyaha labaad ee Safaaradda.

Si kastaba ha’ahaatee, ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee loogu yeeray Safiirka, ayaa haddana wararka qaar ee soo baxaya waxa ay sheegayaan in loogu yeeray arrimo ku saabsan dagaal gacan ka hadal ah oo Safiirka iyo ku xigeenkiisa dhawaan dhexmaray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here