UPDATE: Al-Shabaab iyo Dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaallamay Dhagaxyo qaali ah

Ceel-Cali (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-Cali oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya, in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalameen dhagaxyo qaali ah.

Dhagaxyadaan ayaa lagu arkay deegaanka Ceel-Cali, waxaana aruursaday dadka deegaanka, balse qaar ka mid dadka deegaanka ayaa xog la wadaagay Al-Shabaab, waxaana ay u sheegeen in la helay dhagaxyo qiimahooda sareeyo.

Intaasi kadib Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen dadkii haystay dhagaxyadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, kaasi oo sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay iska horimaadkaas ayaa waxa ku geeriyootay laba ruux oo shacab ah, halka Al-Shabaab uu iska hor imadkaas uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay in ay weerar ku qaadaan.

Wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Muqdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *