DF Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay xubin Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday…

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay duqeymo dhinaca cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Kuunya Barow, isaga oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymahaas oo laba ahaa lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab laguna dhaawacay laba kale.

Halka hoose Ka Akhriso War-Saxaafadeedka DF Somaliya:-

Shalay Galabtii oo ay Maarso ahayd 2, 2020 ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka qaaday labo duqeyn oo lagu beegsaday Xubno Shabaab ah nawaaxiga Kuunyabarrow ee gobolka Shabellada hoose.

Duqeyntaan ayaa lagu dilay hal Alshabaab ah, halka lagu dhaawacay labo kale. Duqeymaha noocan ah ayaa tusaale cad u ah sida ay uga go’antahay Dowladda Soomaaliya iyo Bahwadaagteeda Mareykanka in ay ku baabi,iyaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan dhibaatada u geysanaysa.

Hoggaanka Alshabaab ayaa si cad u sheegay in weeraradooda ay kaalinta koowaad la beegsanayaan Dowladda Soomaaliya, bahwadaageeda Geeska Afrika iyo Dowladda Mareykanka iyo danaheeda ee aduunka ku firirsan ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in Hubin ay sameeyeen DFS iyo jaalkeeda Mareykanka ayaa tibaaxaya in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymihii shalay dhacay.

Dowladda Mareykanka iyada oo kasoo baxaysa dawrkeeda ka saaran dadaalada caalamiga ayaa Ciidanka AFRICOM iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin ee Mareykanka ku gacansiinayaan Dowladda Soomaaliya dadaaladeeda ku aadan ka hortagga iyo xakameynta ururrada argagaxisada in ay soo abaabulaan kharbudaad baaxad leh.

Dadka Soomaaliyeed way ka soo horjeedaan Alshabaab iyo falalkooda gurracan ee ay ku gaboodfalayaan shacabka aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba gabeeyey War-Saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here