Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka QM James Swan oo kawada hadlay arrimo badan oo xasaasi ah +(SAWIRRO)

4

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Puntland.

Puntland ayaa waxaa Khilaaf xoogan uu kala dhaxeeya dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo dhawaan deeganada Puntland lagu qaban doono shir ku aadan wadatashiga Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

4 COMMENTS

  1. Bahda Halqaran,

    Waan idin salaamay mar kale. Waxaan jeclaan lahaa in aynu ogaanno in website-kiinan qiimaha iyo quruxda badan la isku weydaarsan karo afkaarta iyo aragtiyada kala duwan ee loo la jeedo waxii Puntland ahaan naga qaldamay doodo hufan la isku dhaafsan karo.

    Waxaan anigu aaminsanahay in shabakadaha Soomaaliyeed badankoodu iyo gaar ahaan kuwa Puntland matalaya aanay akhristeyaasha guddoonsiinin xaqa aasaasiga ah ee xorriyadda qowlka iyo fikaradaha oo la si nadiif ah la isu dhaafsado.

    Waxaan is lahaa bal hubi in Bahda Halqaran ay bandoowgan saxaafadeed iyana kuwa kale la wadaagaan mise ay ka ilbaxsan yihiin oo ay akhristeyaasha fursadaha u siinayaan ay afkaartooda ku dhiibtaan.

    Mahadsanidin.

    • Saaxiib Cismaan Cawad,

      Waad ku mahadsantahay xiriirka wanaagsan oo aad nala soo sameysay, Bahda Halqaran.com mar walba way soo dhaweyneysaa akhristayaasheeda Sharafta leh, meel walba ay dunida ka joogaa, fikirkoodana waa u xor, waxaa kaliye ka reeban (ka Mamnuuc ah) mareegtan Halqaran.com, aflagaado iyo Caay in commentiga lagu soo qoro, lakiin wixii dhaliil ah iyo talo waa la is dhaafsan karaa. Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here