DF Soomaaliya oo joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ah +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay si ku meel gaar ahi u joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, sababo ku aadan cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in muddo shan iyo toban maalmood la joojiyay diyaaradahii rakaabka ee dalka imaan jiray.

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa cadeeyay in xanibaadaan ay bilaabi doonto maalinta Arbacada, oo taariikhdu ay ku beegan tahay 18-ka bishan.

Wasiirka ayaa waxa uu muujiyay in xayiraadda ay soo rogtay Dowladda Soomaaliya ay ka dambeysay, ka dib markii uu shir isugu yeeray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale, waxaa uu iftiimiyay in shirkaasi uu yimid, markii la xaqiijiyay in kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus laga helay qof lagu hayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli dalka dibadiisa uu ka yimid.

Hadalka Wasiir Oomaar ayaa laga dhadhansan karaa in Dowladda Soomaaliya, ay si dhab ah u qaadatay kiiskan laga soo wariyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Feyraska Corona oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, waxayna bilaabeen xayiraado ay dalalkooda uga joojinayan duulimaadyadii dibadda uga imaanayay.

#Duulimaadyada.

Dowladda federaalka Soomaaliya aya joojisay gabi ahaanba duulimadyadii caalamiga ahaa ee dalka soo galayay ama ka baxayay laga bilaabo 18 bishaan. sida uu ku dhawaaqay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada XFS.

Slået op af Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed i Mandag den 16. marts 2020

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *