Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland: ”Mayeeleyno in ciidankayga lacag lagu siiyo afganbigeyga‘‘!

Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan Degmada Afmadow

Afmadow (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlayay Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku sugan Afmadow ayaa sheegay in Soomalaiya ay leedahay hal cadow kaas oo ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Jubbaland ka wado howlo burburin ah, isla markaana ay dooneyso inay kala furfurto Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxda Dowladda ay la soo xiriireen Madaxda Dowladda Taliyaha Ciidamada Afmadow, isla markaana lacagta uu horey taliyaha u sheegay uu la socdey xilliga ay soo gaartey balse uu si geesinimo leh u diidey qorshaha ay wateen.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in maranaba aysan aqbaleyn in Saraakiisha iyo Ciidamada la furfuro si ay iyaga isku weeraraan waa sida uu hadalka u dhigey.

“Waxaad maqasheen in Saraakiisha Ciidamada Jubbaland la isku dayey in khalalaaso laga dhex abuuro oo la kala furfuro, deegaannadii nabdoonaa ayaa dowladda Ciidamada ay tabareen Turkiga iyo Mareykanka kusoo daabuleen, halkii ay Al-Shabaab la dagaalami lahaayeen, mayeeleyno in Ciidankeyga lacag lagu siiyo afganbigayga yauu yiri” madaxweynahba Jubbaland Axmed Madoobe.

Halka hoose ka dhageyso Codka Axmed Madoobe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Subscribe

Post Comment