Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

DHAGEYSO: Wax badan ka ogow sida lagu garto Cudurka Coronavirus iyo sida looga hortagi karo

Muqdisho (Halqaran.com) – Cudurka Coronavirus ayaa kusii faafaya dalal badan oo caalamka ka mid ah, ayada oo la xaqiijiyey in ka badan 5,000 oo qof oo cudurkaas u geeriyooday.

Sidoo kale, cudurkan ayaa soo gaaray dalka Soomaaliya, ayada oo dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in kiiskan laga helay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, qofkaasi oo lagu hayo meel gaar ah.

Hadaba Dr. Mustafa Cali Maxamed oo wax ka barta dalka Iran ayaa sharaxaya waxa lagu garto Cudurka iyo sida looga hortegi karo.

Halka hoose ka dhageyso Codka dhaqtarka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Subscribe

Post Comment