Madaxweynaha Puntland ‘Saciid Deni’ oo ku dhawaaqay gogol cusub oo shir isdhageysi ah

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex maalmood ka socday xarunta Jaamacadda PSU ee magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha ayaa khudbadd uu jeediyey uga mahadceliyey dhammaan kasoo qeybgalayaasha Shirka sida ay usoo ajiibeen, waxaana uu sharaxay ujeedka shirkan wadatashi.

“Shirkan Shir wadatashi ayuu ahaa Puntland cidna ka caban mayso cidna u caban mayso, waxaa ay ka tashanaysa danaheeda Puntland, waxay wax ka talinaysa danaha Soomaaliya, waxay wax ku biirinaysa ummada Soomaaliyeed wanaagooda iyo horumarkooda, waxaan dhegaysanaynaa cidkastoo naga feker duwan, waxaana jecelnahay khilaafkasta oo dadkale oo reer Puntland aheyn wadahadal iyo isqancin inaan ku gaarno oo xabad iyo qori aan meel lagu gaari Karin” Ayuu yiri Madaxweyne Deni .

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay talooyinkii kasoo baxay Shirka Wadatashi, isagoo ka hadlaya wuxuu yiri “Wixii halkan laga soo jeediyey idinka soo jeediyey, waxaa usoo jeediseen Goleyaasha Dowladda Puntland, anoo magacooda ku hadlaya wixii aad soo jeediseen waan aqbalnay, wixii ka hagaagsana waan fullin doonaa, wixii u baahan toosina waan hagaajin doonaa, Kalsooni buuxda nagu qaba inaan taladiin aanan dayaceen oo aysan noqon waxaa soo jeediseen oo keliya”

Ugu danbeyn Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Gogol Soomaaliyeed oo la isugu yimaado.

“Anoo taladiina ka duulaya waxaan ku dhawaaqaya gogol Shir isdhegaysi, Ismaqal, isku dhibrin iyo in talo mideysan la wadaqaato, waxaan aad idiinku baaqay in dadka reer Puntland hormuud u noqdaan Ummada Soomaaliyeed in ay badbaadiyaan, in ay mustaqablkooda ka shaqeeyaan in ay taladoodana ay meeshaasi geeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

One thought on “Madaxweynaha Puntland ‘Saciid Deni’ oo ku dhawaaqay gogol cusub oo shir isdhageysi ah

  • March 18, 2020 at 00:10
    Permalink

    In kasta oo shirkii hadda dhacay uu muujinyay tallaabo san oo rajo weyn laga qabay in khilaafyada Puntland ragaadiyay lagu xalliyo ayaan anigu qalad u arkaa in shirkii hore oo aan wali laga midho dhalinin mid Soomaaliweyn ah looga sii gudbo oo haddeer la iclaamiyo.

    Puntland ayay muddo ku qaadan doontaa in ay marka hore teeda u daryeesho oo ay dadkeedii wada dhistay dib u soo dummato oo iskugu dubba riddo. In shir ka sii weyn la naawilo waxay la mid tahay socon waynay ee aynu durdurinno. In ay madaxda Puntland shacabka ugu soo daba dhuuntaan Dowladda Federaalka waxaan anigu u arkaa siyaasad ma dhaleys ah ee lagu fashilmi doono.

    Puntland waa geyiga Soomaaliya ugu baaxadda weyn oo runtii si walba iyo dhan kasta iskufilnaansho mug leh ka gaari lahaa haddii ay madaxdu inta ay Xamar ka soo jeestaan oo Puntland diiradda iyo dadaalkooda qummaati u saaraan. Puntland haddii ay waxsoosaarkeeda iyo dhaqaaleheeda dabbarato cid kale u ma aanay baahateen oo Xamar na iyada ayaa lugaheeda ugu iman lahayd.

    Where is the vision?

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *