Golaha Wasiirrada Hirshabelle oo ansixiyay miisaaniyadda 2020 ka +(SAWIRRO)

Jowhar (Halqaran.com) – Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa waxay maanta ansixiyeen Miisaaniyadda 2020, ee ay ku shaqayn doonto Hirshabelle, ka dib markii ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, uuna ku wehlinayay Madaxweyne Kuxigeenka, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shirka looga hadlaya arrimo kala duwan.

Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa isu raaciyay meelmarinta Miisaaniyadda 2020, oo gaareysa adduun lacageed oo dhan afar iyo toban milyan, toban kun sagaal boqol sideetan iyo afar dollar ($14,010,984).

Intii uu shirku socday ayay Golaha Wasiirada Hirshabelle ka arrinsadeen halista caabuqa saf marka ah ee Coronavirus, waxa ayna isu raaceen in si wadajira looga shaqeeyo ka wacyigalinta bulshada ee cudurkaasi.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isu waafaqay in muddo laba toddobaad ah la xiro goobaha waxbarashada ee ku yaala Deegaanada Hirshabelle, sida jaamacadaha, dugsiyada hoose/dhexe iyo sare iyo weliba madrasadaha Qur’aanka Kariimka.

Waxaa Isniintii magaalada Muqdisho laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *