
Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirkii Dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aadan Xasan Maxamed (Usama) ayaa iska casilay xilkii uu ka haayay Wasaaradda Dastuurka.
Warqadda is-casilaada ee Wasiirka uu qoray ayaa la ogeysiiyay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen).
Wasiirkii Dastuurka maamulka Koonfur Galbeed ee xilka iskacasilay ayaa la magacaabay 13.02.2019, waxaana uu shaqeynaayay muddo sanad ah.
Halka hoose ka akhriso warqadda is-casilaadiisa:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com