Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid ‘Lorenzo Sanz’ oo u dhintay cudurka Coronavirus

Spain (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Kooxda Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isagoo da’diisu ay tahay 76 sano, kadib markii uu ku dhacay Cudurka Coronavirus.

Lorenzo Sanz ayaa Isbitaalka loola cararay talaadadii kadib markii ay qandho qabatay, waxaa laga helay fayraska Corona, iyadoo la geeyay qeybta gargaarka degdegga ah. Waxaana la xaqiijiyay inuu xalay Sanz uu geeriyooday.

Marka laga soo tago cudurka Coronavirus, Mr. Sanz waxa uu sidoo kale qabay cudurka macaanka iyadoo kelyaha ay fadhiisteen.

Lorenzo Sanz ayaa agaasime ka ahaa Real Madrid muddo 10 sano ah kadib markii uu ku biiray 1985, muddo kadib waxaa loo doortay madaxweyne sannadkii 1995 isagoo xilka hayay muddo shan sannadood ah.

Ninka reer Spain ayaa si weyn loogu yaqaanay inuu Real Madrid ka saaray abaar muddo dheer ka heysay Champions League.

Waxaa koobka Champions League ugu danbeysay sannadkii 1996dii ka hor inta aysan finalka ku garaacin Juventus sannadkii 1998 iyo labo sannadood ka dib oo ay ka qaadeen Valencia.

Los Blancos ayaa sidoo kale hanatay koobka La Liga xilli ciyaareedkii 1996-97 iyadoo markaas uu Sanz tababare u magacaabay Fabio Capello.

Wuxuu xilligaas kooxda u soo iibiyay xiddigo ay ka mid yihiin Roberto Carlos, Clarence Seedorf, Davor Suker iyo Predrag Mijatovic.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *