Wasiirro iyo Xildhibaanno oo u ambabaxay Baydhabo si ay ula kulmaan Madaxweynaha K/Galbeed Laftagareen

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi isugu jira Wasiirro, Senataro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay kula soo kulmi doonaan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Ujeedada safarka xubnahan ka socda Beelaha Hawiye ayaa waxa ay tahay sidii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay ugala soo hadli lahaayeen saamiga Beelaha Hawiye laga siiyay Kuraasta Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Beelaha Hawiye ayaa waxa ay si wayn kaga soo horjeedaan tirada xubnaha laga siiyay Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo si wayn ay u saluugeen.

Beelaha Hawiye ayaa Kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ku lahaayeen 20 Xubnood, balse waxaa hadda laga siiyay kaliya 9 Xubnood.

Guud ahaan waxaa la dhimay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu soo koobay kaliya 95 Xildhibaan.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa ay kala soo kulmi doonaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, xubnaha Beelaha Hawiye ee wax tirsanaya.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here