Wararka Maanta XULKA IYO MUUQAALLO

Tiro Soomaali ah oo Sweden ugu dhimatay Cudurka Coronavirus (COVID-19)

Xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee dalka Sweden

Sweden (Halqaran.com) – Waddanka Sweden ayaa ka mid ah dalalka Europe ee Cudurka Coronavirus (Covid-19) uu gaaray. Warbaahinta gudaha ee dalka Sweden ayaa xaqiijisay in 20-kii sacadood ee la soo dhaafay ay cudurkan u geeriyoodeen dad kor u dhaafay 10 qof.

Dadka Xanuunkaan u dhintay ayaa la sheegay in 6 ka mid ah ay yihiin dad Soomaali-Swedish ah, dadka xanuunkaan uu dilay oo u badan dad waayeel ah waxaana dowlada ay hadda bilawday sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta caafimaadka bulshada.

Dowladda Sweden ayaa bilowday qaadista tallaabooyin ay kaga hortageyso faafista cudurkaan, dadka ayaa loogu baaqayaa in ay joogaan guryahooda.

Sidoo kale waxaa la xadiday goobaha la isugu yimaado iyo kulamada ballaaran.

Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahday Soomaalida ku nool dalkaasi Sweden.

Warbaahinta Sweden ayaa waxa ay sheegtay in aad looga gaabiyay waycigelinta dhanka Caafimaadka ee dadka, taasina ay keentay inuu si fudud ku faafo cudurkaan halista ah.

Ugu dambeyn, maydadka lixda ruux ee Soomaalida ayaa la soo sheegayaa inay ku jiraan tallaagad, lama oga dowladda Sweden tallaabada ay qaadi doonto oo ku aadan qaabka loo aasi doono maydadkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Subscribe

Post Comment