Wararka Maanta

Wasiirka Amniga ee Somaliya ‘Islow’ oo beeniyay in ciidamo dowladeed la dul dhigay hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle

Muqdisho (Halqarna.com) – DF Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar maalmihii la soo dhaafay soo baxaayay oo sheegaayay Ciidamo dowladeed in la dul geeyay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa barta ay ku leeyihiin xiriirka Bulshada ku soo qoraayay hadalo digniin ah oo ku aadan xiisad ka dhalan karta Ciidankaasi la sheegay in la dul geeyay hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa xiriirka Bulshada Facebook, wuxuu ku beeniyay in wararkaasi ay yihiin mid been abuur ah.

Wasiir Islow ayaa uga digay Masuuliyiinta qaar ee dowladda Soomaaliya ku jira inay si qaldan dadka wax ugu sheegaan.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro” Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow.

Si kastaba, hadal haynta la xiriirta Ciidan dowladeed in la dul geeyay guriga Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay aheyd mid isa soo tareysay muddooyinkii dambe, balse dowladda ay beenisay arrintaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Subscribe

Post Comment