Wararka Maanta

JABUUTI oo la xaqiijiyay inuu ku sii kordhay cudurka Coronavirus

Jabuuti  (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxay Arbacadii maanta xaqiijisay sagaal kiis oo cusub oo kale, lana xiriira cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ee ka dhashay Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa maanta diiwaangelisay in sagaal qof oo u dhashay dalkaasi laga helay caabuqa COVID-19, ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay saddex iyo soddon qof.

“Saddex iyo soddon qof oo baaritaan caafimaad loogu sameeyay goobta shaybaarka ee loogu talagalay xanuunkan ayay ka soo ifbaxeen natiijooyinkan. Sagaal qof ayaa laga helay caabuqa COVID-19, afar iyo labaatanka qof ee kalena way ka badqabaan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu guda jiro baaritaano lagu samaynayo dhammaanba dadkii ay xiriirka la sameeyeen sagaalkaasi qof ee Coronavirus laga helay.

“Waxaa lagu guda jiraa oo baaritaan caafimaad lagu samaynaya qoysaska sagaalka qof ee caabuqan laga helay amaba guud ahaan dadkii ay la macaamileen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa sidoo kale xaqiijisay in tirada guud ee muwaadiniinta reer Jabuuti ee laga helay caabuqan ay yihiin kow iyo toban qof.

“Tirada dadka Jabuuti ee laga helay caabuqa COVID-19 ayay guud ahaan tahay kow iyo toban qof, marka lagu darro labadii qof ee maalintii Isniinta laga helay.” Ayaa lagu yiri warka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii dadka reer Jabuuti ku eedeeyay ku inaysan weli u bisleen ka hortagga iyo la dagaalanka Coronavirus, sababo ku aadan iyagoo dhayalsanaya halistiisa.

Fayraska Corona ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya wadamada caalamka, iyadoo ay kordhayan dadka uu soo ridanayo xanuunkaasi iyo kuwa kale ee daqiiqad kasta ugu geeriyoonaya dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Subscribe

Post Comment