DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday qofkii labaad oo laga helay Cudurka Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta ku dhawaaqday qofkii labaad oo Soomaali ah in laga helay Cudurka Coronavirus, kaasi oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in qofkii labaad oo Soomaali ah laga helay Fayraska sida deg dega ah ku faafa ee Corona, kadib baaritaan lagu sameeyey.

Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda oo shir jaraa’id u qabatay warbaahinta ayaa sheegtay in qof cudurka laga helay uu dhawaan ka yimid dalka dibaddiisa.

Wasiirradda ayaa sheegtay in qofkaasi la karantiilay xaaladiisana ay la socon doonto dowladda Federalka Soomaaliya, islamarkaana qofkaasi uu yahay qof caadi ah oo Caafimaad qaba, balse baaris lagu sameeyay lagu helay Fayraska Corona.

Wararka qaar oo ay tabinayaan Warbaahinta ayaa sheegaya qofka laga helay Coronavirus inuu yahay mid ka mid dhalinyaro ka timid dalka Talyaaniga oo tababar Ciidan halkaasi ku soo qaatay, balse markii Garoonka ay ka soo dageen dowladda Soomaaliya ay karantiishay.

Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus ayaa halis badan ku haya waddamada caalamka, waana cudur si deg deg ah ku faafa oo saameyn badan ku yeeshay dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *