Itoobiya oo 4 kun oo maxaabiis ah sii-deysay cudurka Coronavirus awgiisa.

Addis Ababa (Halqaran.com) – Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay billowday inay xabsiyada kasii deyso in ka badan 4000 maxaabiis ah si looga hortago in cudurka Coronavirus uu ku faafo gudaha xabsiyada dalkaas.

Maxaabiista lasii deynayo ayaa ah kuwa loo heysta dambiyada fudud iyo dumarka maxaabiista ah ee wata carruurta.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa, xilli gobolka Tigreega uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana ka mid ah in la xiray suuqyada iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan si looga hortaggo Fayraska Corona ee dunida ku baahay.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa laga xaqiijiyay 12 kiisas oo Coronavirus ah, balse ma jirto cid cudurka ugu dhimatay waddankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *