Mareykanka oo noqday dalka ugu daran ee uu aadka u saameeyay Fayraska Corona

Washington (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dalkaasi uu noqday dalka ugu daran ee Coronavirus uu saameeyay, ka dib markii uu ka saramaray dalalka Shiinaha, Talyaaniga iyo Spain.

Kiisaska Coronavirus ee guud ahaan dalka Mareykanka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 82,000 oo qof. Waxa uu Mareykanku noqonaya dalka ugu badan ee xanuunkaasi uu saameeyay.

Xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in tirada dad uu ku dhacay Coronavirus, ee gudaha dalkaasi ay gaartay 82,000 oo qof.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 1,000 ay dalkaasi ugu geeriyootay cudursidaha COVID-19.

Dhanka kale dadweynaha Mareykanka ee shaqo la’aanta ah ayaa gaartay meeshii ugu sareysay, waxaana lacagta ceyrta ee dowladdu bixisay soo codsaday 3.3 milyan oo dadka Mareykanka ah.

Telefishinka CNN ayaa shaaciyay in Madaxweyne Donald Trump uu dalalka caalamka ugu baaqay in Xukuumadda Washington laga caawiyo 25 waxyaabood, oo laga xusi karo sida dawada gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka loo adeegsado marka qofka uu naqaska ku dhego iyo afuufka sanka iyo afka lagu xirto.

Caabuqan oo adduunka oo dhan gilgilay ayaa gaaray oo ku fiday 175 ka mid ah dalalka dunida, haba ugu horeeyan kuwa horumaray.

Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caabuqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *