Puntland: Qaad si qarsoodi ah lagu soo geliyay Boosaaso oo la gubay

Boosaaso (Halqaran.com) – Taliska qeybta booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland oo kaashanaya Saraakiisha Ciidamada Gobalka ayaa Caawa meel Fagaare ah ku Gubay Qaad (jaad) si sharci daro ah loogu dhex iibinayay gudaha magalada Boosaaso.

Howlgal ay Ciidamada Puntland ka sameeyeen Xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa lagu soo qabtey, jaadkaas, iyada oo Puntland mamnuucdey in deegaannadeeda la keeno Jaadka, iyada oo laga hortagayo Cudurka Coronavirus.

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamed oo Warbaahinta kula hadley Goobta lagu gubey Jaadka ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya Amarkii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni si Shacabka Puntland ay Naftooda uga Ilaaliyaan Cudurka Coronavirus ay qaadeen qorshayaal ka dhan ah Qaadka(Jaadka) la soo geliyey Boosaaso iyo Guud ahaan gobolka Bari.

Taliyaha oo sii hadleyey waxa uu digniin u direy dadka Gudaha magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee Gobolka Bari sida qarsoodiga ah kusoo gelinaya jaadka,iyaga oo aan u hoggaansamin amarkii Madaxda Sare ee Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *