Rag bistoolado ku hubeysnaa oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha & Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho maanta ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo boolis ah iyo rag bistoolada ku hubeysnaa.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ku jireen roondo Suuqa gudihiisa ah, waxaana ay iska hor yimaadeen labadan dhalinyarada ah ee watay Bistooladaha, kadibna waxaa dhexmaray israsaaseyn.

Labadii dhalinyarada ahaa ayaa goobtaasi ku dhintay, sidoo kale qof shacab ah oo joogay Suuqa Bakaaraha ayaa isagana ku dhintay xabadihii la isdhaafsaday, dhanka Ciidanka waxaa dhaawac ah hal Askari oo Ciidamada Booliska ka tirsan, sida Saraakiil inoo xaqiijiyeen.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Maacuunta ee gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana muddo saacado ah yiilay maydka labadii nin ee ciidanka ay dileen oo aan la ogeyn Shabaab iyo Daacish waxa ay yihiin.

Suuqa Bakaaraha ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa lagu dhex dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, xilli Suuqa gudihiisa ay dhex maraayeen.

Goobta lagu dilay raggaan hubaysan ayaa waxaa jooga Ciidamada Booliska iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hawlwadaag, waxaana xiray goobta ay yaalaan labada nin ee maydka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *