Bu’aale (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa goor-dhow sheegay inay magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada hoose ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”.
Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.
Maxkamadaha Ururka Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.
Ururka Al-Shabaab ma aysan soo bandhigin magacyada xubnaha ay eedeeyeen ee dilka toogashada ah lagu fuliyay.
Waxaa dadka kasoo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com