Wararkii ugu dambeeyay ciidamadii rasaaseeyay hoyga Sheekh Shariif

0
Waa Hoyga uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay galabta rasaaseeyeen guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Gaari ayaa la sheegay nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ay rasaasta ku fureen checkpoint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Ciidanka illaalada hoyga Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay inaysan wax rasaas ah dhankooda ridin, taasi oo la sheegay inay ku muuninayeen feejignaan.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Yusuf Hussein Gama’diid, ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

Weli kama aysan hadlin booliska Soomaaliya falkaan lagu rasaaseeyay difaaca koowaad ee guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here