UPDATE: Tirada Soomaalida ee uu qaaradda Yurub ku dilay Fayraska Corona (COVID-19)

0

Sweden (Halqaran.com) – Cudurka Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha, gaar ahaan kuwa ku nool qaaradda Yurub oo aad cudurka uu u dilayo.

Dalalka Sweden iyo Britain oo kaliya waxaa Fayraska Corona (COVID-19) ugu geeriyooday dad 40 qof ku dhow oo Soomaali ah, iyada oo tobannaan kalena ay la jiifaan iminka.

Waxaa lagu sheegay sababta ugu weyn ee kiisaska cudurkan ku badiyey Soomaalida ayaa ah in inta badan ay Soomaalidu wada degan yihiin ama ay isugu tegaan guryahooda.

Arrintan ayaa waxaa hadda ku baraarugay dowlado ay ka mid tahay dowladda Sweden oo billowday barnaamijyo si toos ah loogu wacyigelinayo Soomaalida halista faafitaanka cudurkan.

Dadka Caanka ah ee Soomaalida ee Yurub ugu geeriyoodey Coronavirs ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cadde), Ciyaaryahankii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) iyo dad kale oo badan.

Fiiro gaar ah: Mareegta Online-ka ku shaqeysa ee Halqaran.com waxay Bulshada Soomaaliyeed leedahay; #Fadlan #Jooga #Guryahiina.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here